Midawga Yurub waxay Xarunta Guud ee Hawlgalada Ciidamada Bada Midawga Yurub ee London Ku Soo Dhaweeyeen Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Wafdigiisa

Jun 28, 2013 - 08:30

Wasiirka Gaashaandhiga iyo xubno golaha wasiirada ah ayaa goor hore oo maanta ah soo booqday Xarunta Guud ee Hawlgalada ee Midawga Yurub. Si ay u fiiriyaan qorshaha dhamayskatiran ee Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqayntooda dalka. Shirka waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Hawlgalada Ciidamda Bada ee Midawga Yurub, Madaxa Ergada EUCAP Nestor, Abaanduulaha Ergada Tababarka ee  Midawga Yurub, iyo sidoo kale wakiilada Adeega Falka Dibada ee Yurub, Wakiilka Gaarka ah ee Midawga Yurub ee Geeska Africa iyo Ergayga Gaarka ah ee Midawga Yurub ee Soomaaliya. Booqashadani waxay na siisay fursad looga hadlo xidhiidhka siyaasadeed ee Midawga Yurub iyo taagardooda dhinaca nabadgalyada Soomaaliaya oo ay ka mid tahay amaanka bada.


Ujeeda Midawga Yurub ay ka leedahay iskaashiga Soomaaliya waa in laga caawiyo sidii loo dhisi lacaa Soomaaliya xasiloon oo degan iyadoo la raacayo qorshe isku-dhafan kaas oo isku xidhiya taageero siyaasadeed, dhismaha xarumaha, gargaarka horumarka iyo taageero amaan. Sedexda ergo iyo Ciidamada Bada ee Midawga Yurub iyo waliba Ergada Tabarada ee Midawga Yurub waxay Ciidamada Qaranka ee Soomaliya siiyaan: roondada lagula dagaalamayo budhcad-badeeda dhinaca bada, dabagal, talo-bixin iyo tababarro takhasus ah, iyo kor u qaadida amaanka bada gobolka iyo awooda iyadoo la kaashanayo howlgalkii dhawaan la aasaasay ee kobcinta awooda bada ee EUCAP NESTOR


Midawga Yurub waxay rajaynaysaa sii wadida wada shaqaynta dhaw ee aan la leenahay Dawlada Federaalka Soomaaliya inagoo ku sii dhawaanayna shirwaynahii caalamiga ahaa ee Brussels ka dhacayay Sibtambar, kaas oo si wada jir ah ay u marti galinayaan Midawga Yurub iyo Soomaliya. Shirkani waxa uu raadin doonaa xaqiijinta taageerda caalamiga ah ee Soomaaliya aadka ugu baahan tahay ee dhinaca siyaasada, amaanka iyo mudnaanaha dhaqan-dhaqaale ee hoos imaanya Heshiiska New Deal. Waxaa lagu taageerayaa xidhiidhka cusub ee Soomaaliya iyo beesha caalamka iyadoo diirada la saarayo mudnaanha xiliga dhexe iyo xiliga fog ee Soomaaliya iyo dadkeeda


Ergayga Gaarka ah ee Midawga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, waxa uu yidhi kulanka ka dib


“Dhacdadani waxay ahayd fursad xiligii ku haboon timid si loo sii xoojiyo wada shaqaynta Midawga Yurub iyo Soomaaliya ee amaanka iyo in la hubiyo in jawaab midha-dhal ah ay dadka Soomaaliyeed ka helaan dhamaan qaybaha Midawga Yurub marka lagu daro hawlgalka CSDP”

Categories